nac
(m.l)

Colaad uurka la isugu hayo; nacayb.

nac
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-cay, -cday; -nici)

1. Rabid la'aan. 2. Is n.: quus iyo rajo la'aan.

lama-iyaaka-dhexdood-nacbudu-aa-ku-jirtaa*

Wax walba wax ayaa ku duugan.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nac

caajis [m.l] (-siin/-syo, m.dh)
1. Firfircooni la'aan; wahsi; daal. 2. C. ah: qof hawl nacayb, wahsi badan. ld cajis¹. cajis

caajisad [m.dh] (-do, m.l)
Haweenay wahsi iyo hawl nacayb badan. ld cajisad. cajisad

maanac [m.l]
1. Diidmo, oggolaansho la'aan. 2. ld maanicid.

maanac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -nici)
Ka m.: cid wax ka maammnuucid.

maanacan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-cnaa, -cnayd)
Wax la mamnuucay ahaansho.

maanacnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maanacan. ld maanacnaansho.

maanacnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld maanacnaan.

naatariyam-koloraydh [m.dh] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.

n [m.dh] (na')
Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg