nacayb
(m.l)

Colaad uurka la isugu hayo; nac¹. ld necayb.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nacayb

caajis [m.l] (-siin/-syo, m.dh)
1. Firfircooni la'aan; wahsi; daal. 2. C. ah: qof hawl nacayb, wahsi badan. ld cajis¹. cajis

caajisad [m.dh] (-do, m.l)
Haweenay wahsi iyo hawl nacayb badan. ld cajisad. cajisad

nac [m.l]
Colaad uurka la isugu hayo; nacayb.

caloolfayoobi [m.dh]
Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin; uursami.

caloolfayoobow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-bowday, -baatay)
Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin noqosho.

caloolfayow [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-oobaa, -oobayd)
Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin ahaansho.

caloolsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-amaa, -amayd)
Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin ahaansho.

col [m.l] (-lal m.l)
1. (u) Koox dad ah oo hubeysan. 2. Laba qof ama ka badan oo isu haya dareen nacayb iyo isdiidmo ku jiro. 3. (u) Koox dad ah oo shaqo ka dhexeysa.

colaad [m.dh]
Dareen nacayb iyo isdiidmo ku jira oo laba qof ama ka badan isu hayaan.

fiir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Nafley meel ku cusub nacayb u muujin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg