naqshad
(m.dh)

1. Naqash. 2. Shaxan tilmaamaya hab ay wax u dhisanyihiin, ama u samaysanyihiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naqshad

jaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.

baraley [m.dh]
Nooc kabdaha ka mid ah oo lagu naqshadeeyay mayrax ama dun midabbo kala duwan leh.

casaan [m.l]
1.C. ah: midab guduud furan ah. 2. Dermo inteeda midabka iyo naqshadda leh. ld casiin.

googgoos [m.l]
G. ah: harag lagu naqshadeeyay midibbo kala soocan. ld goosgoos (3).

liin [m.dh]
1. Miro yaryar, kuuskuusan, leh biyo dhanaan oo laga helo fitimiin C. 2. Geedka mirahaasu ka baxaan. 3. Midabka dharka lagu naqshadeeyo. ld liimo.

mardin [m.dh] (-nno/-imo, m.l)
1. Daliig; liid. 2. Naqshado diillimo ah oo caw, ama caws ah oo ka dhex muuqda derin ama raar samaysan midkood.

naqshadayn [m.f.dh]
eeg naqshadee.

naqshadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Wax naqshad u samayn.

siinad [m.dh]
1. Qurux. 2. (-do, m.l) Naqshad iyo xarar wax lagu qurxiyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg