naqshadee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-deeyay, -daysay)

Wax naqshad u samayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naqshadee

baraley [m.dh]
Nooc kabdaha ka mid ah oo lagu naqshadeeyay mayrax ama dun midabbo kala duwan leh.

googgoos [m.l]
G. ah: harag lagu naqshadeeyay midibbo kala soocan. ld goosgoos (3).

liin [m.dh]
1. Miro yaryar, kuuskuusan, leh biyo dhanaan oo laga helo fitimiin C. 2. Geedka mirahaasu ka baxaan. 3. Midabka dharka lagu naqshadeeyo. ld liimo.

naqshadayn [m.f.dh]
eeg naqshadee.

naqshad [m.dh]
1. Naqash. 2. Shaxan tilmaamaya hab ay wax u dhisanyihiin, ama u samaysanyihiin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg