nas
(m.l)

1. Meesha ugu dhow wax laga nishaabi karo. 2. (dii.) Kitaab, qaanuun iwm oo la qoray hadalkiisa hore oo asalka ah oo ka duwan sharaxa ama waxyaale kale oo gadaal cid kale kaga darto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nas

ibaguryee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Hal si xun loo maray nasaaha ka bararid.

ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.

jabaq [m.dh] (-qo, m.l)
(fiis.) Gariirka dhex maraya dhextaal loodsame ah, lehna rakaad iyo itaal nashaadin kara dareenka maqalka ee dhegta aadamaha. Rakaadka jabaqdu waxa uu u dhexeeyaa. 20 --> 20,000 heertis, waana gaalis maqalka.

naashnaash [m.l]
ld nashnaash¹.

naashnaash [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-shay, -shtay)
ld nashnaash².

naashnaashan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-shnaa, -shnayd)
ld nashnaashas.

naashnaashi [m.l]
ld nashnaashi¹.

naashnaashi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld nashnaashi².

naashnaashid [m.dh]
ld nashnaashid.

naashnaashin [m.dh]
ld nashnaashin.

n [m.dh] (na')
Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg