naytarojiin
(m.dh) (-nno, m.dh)

1. (kiim.) Curiyaha ugu horreeya ururka V ee tusaha kalgalka curiyayaasha; curiye elektaroon jiidasho badan,una jira isagoo molikiyuullo laba atamle ah (N )oo neef ah. Naytarojiinta hawada ku jirtaa waa 78 % mug ahaan. Naytarojiin waxa ay samaysaa ogsaydho ay ka mid yihiin laba-naytarojiin hal-ogsaydh. Naytaras ogsaydh (N O) oo ah ogsaydh dhexdhexaad ah; iyo natarojiin laba-ogsaydh (NO) oo soo saarta iskujir ka kooban naytaras asiidh iyo naytarik asiidh marka biyo lagu daro. 2. (kiim.) Neefta ugu badan gibilka, oo mug ahaan buuxisa 78% ee hawada engegan; neeftani kiimika ahaan ma firfircoona, waxay tartaa inay misho ogsajiinta.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naytarojiin

kaaftoon [m.l] (-nno, m.dh)
(kiim.) Awoodda ku darsamidda ee curiye ama xidishe leeyahay, oo le eg tirada atammada haydarojiinta ah ee ku darsama ama barabixiya hal ataam oo curiye ah. Molikuyuullada dabarwadaagga ee fudud kaaftoonkooda si toos ah ayaa loo helaa, tusaale ahaan kaaftoonka kaarboonka ku jira CH waa 4, kan naytarojiinta ku jirta NH3 waa 3. Ayoonnada kaaftoonkooda waxa loo tixgeliyaa in uu u dhigmo laxaadka saldanabka.

koox-amayno [m.l] (-xo ..., m.l)
(kiim.) Iskudhis leh kooxda - NH -halkaas oo atamka naytarojiin aanu ku dheggeneyn kooxo kaarbonayt ama atamyo kale oo haydarojiin ah. Ururku waa kooxda amayno.

laba-atamle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(kiim.) Molikuyuul ka kooban laba atam. Haydarojiin (H), ogsajiin (O), naytarojiin (N) iyo halojiinaduba waxay tusaale u yihiin curiyayaasha laba-atamlaha ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg