nebi
(m.l) (-iyo, m.l/dh/ambiyo, m.dh)

Qof Eebbe doortay oo waxyi loo soo dhiibay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nebi

waagii dhagaxa-dambe [m.l]
(taar.) Wuxuu sheegayaa waxyaabaha la xiriira waqtigii taariikhda ka horeeyey, markii ay dadku bilaabeen beerashada, laakiin dhagaxa ay waqtigaas u isticmaali jireen qalab ahaan, waqtigaas oo dhamaaday 9000-6000, dhalashadii Nebi Cise horti koonfur-galbeed Aasaiya, 4000 ilaa 2400 Nabi ciise horti ee Yurub.

ajnebi [m.l]
Nin aan u dhalan dalka uu joogo; shisheeye.

ajnebiyad [m.dh]
Dumar aan u dhalan dalka ay joogto.

ansaar [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Muslinkii hore oo reer Madiina oo Nebi Maxamed (nnk) iyo Muhaajiriintii soo dhoweeyey oo taageerada weyn u fidiyay.

ashahaado [m.dh]
Qiritaanka in Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo direy yahay.

ashahaado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
In Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo diray yahay qirid.

Ciise kaddib [Magac Falkaab | Noun Adverb]
(taar.) (C.d.) Waxay sheegaysaa inta sano ama qarni ee laga joogo dhalashadii nebi Ciise.

dhalashadadii ciise [m.dh]
(dii.) Ciid karishtaanka ay u ciidaan markii uu dhashay Nebi Ciise 25 bisha Diseember.

furqaan [m.l]
1. Kitaabkii Eebbe u soo dhiibey Nebi Maxamed. 2. Diinta Islaamka.

injiil [m.l] (-lo, m.l)
Kitaabkii nebi Ciise (n.k.h.a.).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg