neecaw
(m.dh)

Hawo qabow oo nadiif ah; laydh. ld naacaw.

neecaw
(m.dh)

(juqr.) Eray badanaa lagu isticmaalo maayad hawo ah oo aad uga khafiifsan dabayl. Amase, waxaa lagu isticmaalaa noocyo ka mid ah dabaysha oo dhacdo joogto ah leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh neecaw

naacaabin [m.dh]
ld neecaw. neecaw

naacawsasho [m.dh]
ld neecawsasho. neecawsasho

naacawso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
ld neecawso. neecawso

ur [m.dh]
1. Dabayl lixdii bilood doc ka timaadda; neecaw; dabayl. 2. Dhanka dabayshu ka dhacayso. 3. ld ur¹.

cawd [m.l]
1. Ururinta xoolo badan meel lagu ururiyo. 2. Meel kulul oo dugsi ah oo neecawdu ka xirantahay.

geyre [m.l]
1. Dabeyl qabow oo soo dhacda galabnimada xilliga xagaaga. 2. Neecaw udgoon, muddo yar socota, oo galab- nimada wakhtiga kulaylaha ka timaadda xagga badd.

layr [m.dh]
Dabayl aan xoogganayn oo qabow; neecaw.

neecawsasho [m.f.dh]
eeg neecowso. ld naacawsasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg