neef
(m.l) (-faf, m.l)

1. Xoolaha la dhaqdo mid ka mid ah. 2. Faras si gaar ah u tilmaaman. 3. Qof garasho yar.

neef
(m.dh) (-fo, m.dh)

1. Hawada nafleyda. 2. Qaybaha hawadu u kala baxdo mid ka mid ah sida haydarojiinta, ogsojiinta iwm. 3. Cudur dadka ku dhaca oo neefsashadu dhibto.

neef
(m.dh)

(fiis.) Wejiga maatarka ee xoogagga isjiidashada ee u dhexeeya saxarrada walaxdu ka koobantahay uu yaryaryahay. Saxarradaasu waxay leeyihiin xorriyad dhadhaqaaq, sidaas awgeedna neefuhu ma laha qaab iyo mug go'an midna.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh neef

aadaan [m.l]
1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaamid, aaddan, eedaan

aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan

aadiraac [m.l]
Dhicinta uu neef markaas rimay dhiciyo; qubeys.

ebinefiriin [m.l] (baay.)
Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.

ibagujo [m.dh]
Salaaxidda neef geel ah oo irmaan naasaha laga salaaxo si uu u godlado.

maaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Saddexda nooc walxaha dunida yaalla u qaybsamaan mid ka mid ah oo kala ah: adke, hoore, iyo neef. 2. Qayb cilmiyeed isku wax ka hadleysa. ld maaddad. maaddad

oggol [m.l]
1. O. ah: cid aan wax diiddanayn. 2. Neef irmaan oo ubad waliba nuugo; hebed.

raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir xanuun, qandho, dhibaato neefsashada, dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo. Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri dhexdood.

daabax [m.l]
1. D. ah: neef xoolo ah oo qalliin ku habboon. 2. D. ah: hilib aan tamooti ahayn. 3. ld daabaxid. ld dabaax¹, dabax¹, dibaax, dubaax. daabaxid, dabaax, dabax, dibaax, dubaax

daabbad [m.dh] (-do, m.l)
1. Neef xoolo ah oo la rarto ama la fuulo. 2. Nafley weyn oo la rumeysanyahay inay badda ku jirto, balse aan weligeed la arag.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg