neefee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-feeyay, -faysay)

Wax neef gelin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh neefee

betrooliyam [m.l]
(kiim.) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).

dhuundhas [m.dh] (-syo, m.dh)
Dareere ama neef xoog u diisan oo ka soo baxaysa dhuun af-yar kana dhalata nakhaska (qashinka) ay tuurayaan marwaxadaha neefeed.

iskuroor dhuun neefeed [m.l]
(daaw.) Iskuroorka muruqyada dhuumaha neefta ee xiiqda (neefta) iyo dhuun neef holaca (bronkiitada).

marwaxad neefeed [m.dh] (-dyo ..., m.dh)
(tegno.) Neef ka timid cadaadis motoor oo loo adeegsado motoor wax wareejiya.

midabsawir-saafid [m.l]
(kiim.) Xeelad lagu kala sooco ama lagu saafo iskujirrada kakan. Dhawr xeeladood oo la xiriira habkan ayaa jira, kuwa ugu muhiimsanina waa: midabsawir saafid dhuumeed, midabsawir saafid warqadeed, midabsawir saafidda lakabka dhuuban, midabsawir saafid neefeed iyo midabsawir saafidda isweydaarinta ayooneed.

neefayn [m.f.dh]
eeg neefee.

xeer-neefeed [m.l]
(fiis.) Xeerarka la xidhiidha heerkulka cadaadiska iyo mugga ee neef cufkeedu go'an yahay. Xeerarka neefta ee ugu muhiimsani waa xeerka Boyle iyo kan Jaarlee.

xiiso elektaroon [m.l] (-ooyin ..., m.l)
(fiis.) Summadda A ayaa lagu asteeyaa. Tamarta baxda marka atam, molikuyuul ama koox ku sugan weji neefeed ay hesho elektaroon si ay u noqoto ayoon taban. Waxa markaas ay noqonaysaa tamarta: A+ e--> A- . Qiimaha togan ee A (halbeeggeedu waa elektaroon-foolt) wuxuu tilmaan u yahay in kul la bi-xiyey.

neef [m.l] (-faf, m.l)
1. Xoolaha la dhaqdo mid ka mid ah. 2. Faras si gaar ah u tilmaaman. 3. Qof garasho yar.

neef [m.dh] (-fo, m.dh)
1. Hawada nafleyda. 2. Qaybaha hawadu u kala baxdo mid ka mid ah sida haydarojiinta, ogsojiinta iwm. 3. Cudur dadka ku dhaca oo neefsashadu dhibto.

neef [m.dh]
(fiis.) Wejiga maatarka ee xoogagga isjiidashada ee u dhexeeya saxarrada walaxdu ka koobantahay uu yaryaryahay. Saxarradaasu waxay leeyihiin xorriyad dhadhaqaaq, sidaas awgeedna neefuhu ma laha qaab iyo mug go'an midna.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg