neefsad
(m.l)

ld neefsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh neefsad

cudurro-faafa [m.dh]
(daaw.) Cudurrada la is qaadsiiyo waxaana cudurrada la isugu gudbin kara: ayadoo la taabto qof buka jirkiis, ayadoo la qaado qalab leh jeermigii cudurka ama ayadoo la neefsado dhibicyo calyo ah oo qufaca ka yimaado iyo neef jeermi sidda.

gacan [m.dh] (-cmo, m.l)
1. Xubinta faraha leh ee dadka wax ku qabsado. 2. Xubin dheer, madaxa maroodiga ka laallaadda oo uu wax ku qabsado kana neefsado. 3. Dhegta weelasha iwm.

hambalaal [m.l]
Kalluunku meesha uu ka neefsado oo dhegaha ka hooseysa.

maroodi [m.l] (-iyo, m.l)
(c.nafl.) Naasleyda berriga ku nool midka ugu weyn oo leh gacan dheer oo uu ka neefsado, waxna ku laayo, labo-ilig waaweyn dhaadheer, qaali ah oo ka soo baxsan goomankiisa, iyo cago balballaaran oo aan faro lahayn oo ku nool Afrika iyo Hindiya.

neefsasho [m.f.dh]
eeg neefo. ld neefsad, neefsi.

qoombi [m.l] (-iyaal/-iyo, m.dh)
Xubinta uu malayga ka neefsado.

san [m.l] (-nan, m.l)
1. Xubin wejiga ku taal oo afka iyo indhaha u dhexeysa oo laba dalool leh oo laga neefsado waxna lagu uriyo. 2. Meel ka soo fiiqan qararka iyo buuraha oo san u eg. 3. Daliig yar oo harag ah oo hargaha kale layskula tolo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg