neefsasho
(m.f.dh)

eeg neefo. ld neefsad, neefsi.

neefsasho
(m.dh)

Dariiqadda dheefsasho ee xayawaanka iyo dhirta taas oo walax orgaanik ah la burburinayo lagana dhigayo walxo sahlan isla markaana tamar la soo saarayo, iyada oo lala kaashanayo molikiyuullo gaar ah oo tamarta qaada oo loo isticmaalo dariiqooyin dheefsasho oo kale. Dhirta iyo xayawaanka badankooda neefsashadu waxay u baahantahay ogsajiin, iyo kaarboon laba ogsaydh oo ah dhammaadka maxsuulka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh neefsasho

waaf [m.l] (-faf, m.l)
(c.nafl.) Xubin neefsasho oo ay isticmaalaan xayawaannada biyaha ku nooli, si ay uga soo qaataan ogsajiinta biyaha dhexdooda.

dabeyl [m.dh] (-lo, m.l)
(daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. ld dabayl¹ (5).

emfiseema [m.l]
(daaw.) Ereygu wuxu ka soo jeedaa gariig micnihiisuna waxa weeye “dabeyl gashay soohyada” waxaase loo isticmaalaa xaalad cudur gaar u ah sambabada taaso ay keentay jiidmadii iyo isku soo roorkii (elasticity) sambabada oo luntay. Waxa yaraada isdhaafshadii O2 iyo CO2 markas waxaa timaadda dhibaato neefsasho.

midabside [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(baay.) Walax midab leh, sida: mayogolobiin oo ah nooc ka mid ah himogolobiin lagana helo unugyada muruqa, iyo kolorokurooriin oo ah midabside neefsasho oo ka kooban bir laga helo dhiigga qaar ka mid ah faylamka analiida.

neef-qabatin [m.l] (-faf ..., m.l)
(daaw.) Dhibaato neefsasho oo ay sabab u noqon karto xiran dhuumaha neefta xiiqda, borinkiito ama cudurro kale oo sambabada ku dhaca.

neefsad [m.l]
ld neefsasho.

neefsasho ogsajiin la' [m.l]
(baay.) Nooc ka mid ah neefsashada oo cuntadu (gaar ahaan kaarboohaydraytyada) ay qayb ahaan u ogsidhooban iyagoo sii daynaya tamar kiimikeed, kuna sii daynaya dariiqad ogsajiin aan u baahnayn.

neefsasho ogsajiin leh [m.dh]
(baay.) Nooc ka mid ah neefsashada, oo cuntadu (gaar ahaan kaarboohydraytyada) ay dhammaantood u ogsidhoobaan kaarboon laba ogsaydh iyo biyo, iyaga oo siidaynaya tamar kiimikeed, kuna sii daynaya dariiqad u baahan ogsajiin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg