neeftuur
(m.l)

Neef xooggan oo ka soo baxda nafley xiiqday. ld neefgur¹.

neeftuur
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Nafley xiiqday neef xooggan sii dayn. ld neefgur².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh neeftuur

hafto [m.dh]
Daal aan lala ordi karin, markay nafley muddo orodo kaddib; neeftuur.

hiraahir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Nafley qorrax kulul qabatay neeftuur samayn. ld haraahir², haraanhir², hiraanhir².

huraanhuriye [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo neefka ku rida neeftuur badan, sidii isagoo orod aad u dheer soo galay neefta ku xiranta dabadeedna wuu dhintaa.

huufsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax soo orday oo neeftuuraaya ahaansho.

neefgur [m.l]
ld neeftuur¹.

neefgur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -isay)
ld neeftuur².

neefgurid [m.dh]
ld neeftuurid.

neeftuurid [m.f.dh]
eeg neeftuur². ld neefgurid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg