neg
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-gaa, -gayd)

1. Wax aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho. 2. Wax socdaal ka baaqday ahaansho. 3. Cid niyadda ka deggan ahaansho. ld nag, nagi², negi².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh neg

danabneg [m.l]
(fiis.) Barashada saldanabyada ee neg, xoogagga u dhexeeya iyo badada danabka ee la xiriira.

dhanballan-bu'eed [m.l]
(kiim.) Falgal bu'eed oo bu'culus (sida yuraaniyam) ay u kala jabto labo qaybood (maxsuul dhanballan), taas oo sababta bixiinta labo ama saddex niyuutaroon, iyo xaddi tamar oo u dhiganta faraqa u dhexeeya cufka neg ee niyuutaroonnada iyo maxsuulka dhanballanka iyo cuf neg ee bu'da asalka ah.

footon [m.l] (-nno, m.dh)
(fiis.) Saxar leh cuf neg oo le'eg eber, kana kooban kuwaantam kaah birlab-danabeed. F.ka waxa kale oo lagu tilmaamaa halbeeg tamar oo le'eg hf, taas oo ah ay tahay madoorsoomaha blaank iyo f oo ah rakaadka kaahinta oo lagu cabbiro Heertis. F.nadu waxa ay ku socdaan xawaaraha ileyska.

heer-dhul [m.l]
(fiis.) Xaalad tamareedka neg, uguna hoose, ee molikiyuul, atam ama bu'. Tusaale ahaan, marka elektaroonka atamka hydaroojin ugu dhow bu'da, ayaa heerka tamarta atamka haydaroojin ugu hooseeyaa. Taas ayaa ah heer dhulka atamka.

mekaaniko [m.dh]
(fiis.) Barashada raadka ay xoogaggu ku leeyihiin walxaha; waxana loo qaybiyaa labo: a) negayaal, oo ah raadka ay xoogaggu ku leeyihiin walxaha dheelitiran; b) daynaamik, oo ah raadka ay xoogaggu ku leeyihiin walxaha socda ama neg.

nag [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gaa, -gayd)
ld neg.

nagaadi [m.l]
ld negaadi¹.

nagaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld negaadi².

nagaadin [m.dh]
ld negaadin.

nagaan [m.dh]
ld negaan.

n [m.dh] (na')
Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg