nood
(m.l)

Lacagta inteeda waraaqda ah. ld noodh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nood

waddo-caanood [m.dh]
Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela. ld waddo-hunguri.

banood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg banoo.

buracaanood [m.dh] (-dyo, m.dh)
(daaw.) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.

burocaanood [m.dh]
(daaw.) Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.

diillincaanood [m.dh]
Diillin ballaaran cirka ku dhereran oo ka kooban xiddigo yaryar oo badan.

eynood [m.l]
ld eynaad.

gabaddanood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg gabadanoo.

gubnood [m.l]
Cunta la karinayo inta weelka salkiisa ku dhegta;gugub, qolof.

holac-qabsiinood [m.l] (-cyo .., m.dh)
(daaw.) Jirrada ama h. q. oo astaanta ugu horreysa ay tahay uur xanuun dhinaca midig ee hoose. Waxaa weheliya, sida badan, matag iyo qandho.

ikaynoodeermaata [m.dh]
(baay.) Faylam wanqaran gacaneed laf dhabarla' ah oo had iyo jeer leh shan fallaadhood oo unugyo badanley ah, kuna nolol degaan badeed. Tusaale ah: kalluun xiddigeed. Faylamkani ma laha madax iyo habdhis dareenwade.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg