nugul
(Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective)

Xoolaha aan harraadka u adkeysi badnayn sida lo'da, fardaha iyo idaha.

nugul
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-glaa, -glayd)

Nafley aan adkeysi lahayn ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nugul

raalliyo [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
R. ah: haweenay ninkeeda u dhego nugul ah. ld raalliyad.

baangad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab gadaal ku leh daab la qabsado oo ka samaysan bir dheer, xalleefsan, xoodan, hal dhinac wax ku goysa oo geed nugulka iwm lagu jaro.

baranugul [m.l]
ld baraqnugeyl.

baraqnugul [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-glaa, glayd)
Qof fulay ah ama biiq ah ahaansho.

beernugul [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-glaa, -glayd)
Qof raxmad badan ahaansho.

caycay [m.l]
Nafley u nugul dhibaatada.

daruurnugul [m.dh]
Daruur weyn oo hoos yeelata aanse di'in.

dhegannugul [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-glaa, -glayd)
U dh.: qof, waxa la faro si sahlan u fuliyo ahaansho.

dhegawaddan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Qof dhegihiisu aad wax u maqlaan ahaansho. 2. Qof wax dhega nugul ahaansho.

dhiifoon [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof firfircoon oo dhega nugul ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg