nukliyootaydh
(m.l) (-yo, m.dh)

(baay.) Iskudhis orgaanik ah oo ka samaysmay raybows asiidha foosfoorik iyo naytroojiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nukliyootaydh

yurasil [m.l] (-lo, m.dh)
(baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan waxyabaha ay ka koobanyihiin beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedda RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyaa bayramadiin.

adinayn [m.dh] (-no, m.dh)
(baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada DNA iyo RNA.

asiidh-bu'eed [m.dh] (-dyo ..., m.dh)
(baay.) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha.

guwaaniin [m.l]
(baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey buurin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg