nus
(m.l)

Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; bar. Tus. “N. kiilo bariis ah”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nus

ununush [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Waxaruhu marka ay geedo daaqidda bilaabaan.

afcaan [m.l]
(afaf-caan, m.l) (c.af) Luqadda caadiga ah oo looga hadlo ama laga fahmo dhul ballaaran, dadyow kala duwanna ay ku hadli karaan ama fahmi karaan inkasta oo uusan ahayn afka waddaniga ah. Af Inqiriisku waa af-caamka ugu muhiimsan, oo ay ku hadlaan fahmaanna in ka badan dunida nuskeed.

aqlabiyad [m.dh]
Tirada dadka ee ka badan nuskooda.

bar [m.l]
Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshay, meeshood; nus. Tus. “Lacagta bar i sii”.

gunuunus [m.l]
ld gunuunuc¹.

gunuunus [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
ld gunuunuc².

gunuunusid [m.dh]
ld gunuunucid.

isdhin [m.l]
(dhaq.) Nusqaamidda shey uu ka nusqaamo sidii uu ahaa.

isdhin [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-imay, -intay; -imi)
Shay siday ahaayeen ka nusqaamid.

iskubaano [m.dh] (-ooyin, m.l)
Kolay shiraac ka samaysan oo waxyaabaha yaryar lagu rito oo ay sida badan ciidamadu qaataan. ld nuskubaano.

n [m.dh] (na')
Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg