nuug
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

1. Caano naas ka jaqid. 2. Biyo, naafto iwm tuubbo ku dhuuqid iyada oo la adeegsanayo bishimaha iyo carrabka. 3. Hoore isbuunyo, cudbi iwm ku soo qaadid.

hooto-nuug*

Nirig ama awr yar oo aan hooyadii laga maalin ee caanaha oo dhani calooshiisa ku dhacaan. Hootanuug.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nuug

oggol [m.l]
1. O. ah: cid aan wax diiddanayn. 2. Neef irmaan oo ubad waliba nuugo; hebed.

edegkudhufaan [m.l]
Orgi yar oo caano nuug isagoo ah xiniinyaha laga baxshay. ld ciddikudhufaan. ciddikudhufaan

ibitiiliyam [m.l] (-mo, m.dh)
(baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.

qaar [m.l] (-rar, m.l)
1. Qayb wax ka mid ah; in, wax, qayb. 2. Jirka nafleyda labadiisa qayb mid ka mid ah. 3. Dhanka dambe. 4. Ardaaga aqalka. 5. Xero yar oo xerada weyn dhexdeeda laga sameeyo oo xoolaha inta caano nuugga ah la geliyo; edeg.

abaydin [m.l/dh.kh]
A. ah: ilmo yar oo naaska hooyo aan nuugin.

anuug [m.dh]
Wax alla wixii sarreeya (cir).

baal [m.l] (-lal, m.l/dh)
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.

badeecad [m.dh] (-do, m.l)
1. ld badeeco. Alaab loogu talagalay in laga ganacsado. 2. Jalxad dhuun dheer oo bir ah oo lagu nuugo qaaca ka dhasha tubaakada ay dhuxushu shiddo ee ku jirta saxanka afkeeda daboola.

biyo-saar [m.l] (-ryo, m.dh)
(baay.) Habka dhirtu biyaha ay xididdadu u soo nuugaan dib ugu celiso gibilka iyaga oo maraya daloollada caleemaha iyagoo uumibiyood ah.

boodhar [m.l]
Budo cad oo siigo ah udgoon oo waqtiga kuleylaha la marsado si ay dhidika u nuugto. ld boolbare, boolbire, bootar.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg