nuugid
(m.f.dh)

eeg nuug. ld nuugmo.

nuugid
(m.dh)

(c.nafl.) Nuugidda soohyadu nuugaan biyaha iyo walaxda kale ee jirku u bahanyahay. Cunnada nafaqadeeda waxa laga nuugaa xubnaha dheefshiidka waxayna raacdaa dhiigga iyo liinfada.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nuugid

ibitiiliyam [m.l] (-mo, m.dh)
(baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.

dhaari [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-ryay, -riday/-risay; -ryi)
Naas caanihii laga idlaystay nuugid.

dharaqso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Candho dharaq ka maalid ama ka nuugid.

dharqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Candho dharaq ka maalid ama nuugid. ld dharbi (3).

doori [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Ilmo yar oo lo'aad hooyadii siduu doono u nuugid. 2. Wax si xun ka dhigid.

garaac [m.l]
1. Ku dhufashada wax si xoog iyo noqnoqosho leh wax kale loogu dhufto. 2. Nuugid badan. 3. ld garaaci.

goofaadhi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ubad xoolaad candho aan caano ku jirin nuugid. ld goofaari.

guri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Nafley irmaan, maalid iyo nuugid ka dhaafid. 2. La g.: cid xumo wadda la sii wadid, si loo tuso waxyeelladeeda.

jaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
Wax nuugid.

kulqaate [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
(fiis.) Dariiqo tilmaamaysa nuugidda kulka ee hab ama walax ku jirta falgalid (waxa kale oo lagu sharxi karaa kulka bannaanka uga baxa walax, ama hoos-u-dhaca heerkulka).

nuug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Caano naas ka jaqid. 2. Biyo, naafto iwm tuubbo ku dhuuqid iyada oo la adeegsanayo bishimaha iyo carrabka. 3. Hoore isbuunyo, cudbi iwm ku soo qaadid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg