nuuji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Ilmo naas jaqsiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nuuji

taadhisaar [m.l]
Dumar ama xoolaha kale oo umula iyagoo weli nuujinaya.

taadhisaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Dumar ama xoolaha kale iyagoo weli nuujinaya umulid.

naasaley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Nafleyda inta ilmaha dhasha oo nuujisa. ld naasley.

naasnuuji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Si qarsoodi ah qof wax u siin.

naasnuujin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naasnuuji. ld naasnuujis.

naasnuujis [m.l]
ld naasnuujin.

caalsaar [m.l]
Nuujinta neef irmaani uu nuujiyo canug uu dhalay oo meel ku xiran. ld caalsaarree (1).

caalsaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Neef irmaan ilmihiisa oo meel ku xiran nuujin. ld caalsaaree (1).

caanannuuji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Caano nuujiin; caanosiin.

caanannuujin [m.f.dh]
eeg caanannuuji.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg