oodjiidid
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg oodjiid².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh oodjiidid

oodjiid [m.l]
1. Dhigidda maroodi dhigo ood weyn jidka raxantu marto si uu ugu xujeeyo arbaha raxanta wada. 2. Xuja adag oo cid la hor dhigo. 3. Calaamad geediga loo sameeyo si uusan u habaabin ood yar dhulka loogu jiido.

oodjiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. U o.: si uu u ogaado tabarta arbaha, jidka raxantu ku aroorto ood weyn dhigid (maroodi). 2. U o.: cid geeddi ah si aysan u habaabin calaamad u sameyn. 3. U o.: cid xuja adag hor dhigid. 4. U o.: cid wax dooneysa qadin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg