oohi
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)

Ka o.: cid oohin ka keenid. ld boohi, ooy.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh oohi

yaboohi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Baadi la hayo shir ka baafin. 2. Yabooh weyddiin.

yaboohid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yabooh². ld yabooh¹ (2). yabooh

yaboohin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yaboohi. ld yaboohis. yaboohi, yaboohis

yaboohis [m.l]
ld yaboohin. yaboohin

oohin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oohi. ld boohin.

oohin [m.dh]
Dareen qofka ilmo ka keena.

aammusi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Hadal, qaylo ama oohin cid ka celin. Tus. “Carruurta ka aammusi qofka jirran”.

beercaddaad [m.l]
1. Daal iyo dhibaato ay ilmuhu ka mutaan oohin badan. 2. ld beercaddaansho.

boohi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2]
ld oohi.

oo [Xiriiriye | Conjunction]
1. (nax.) Xiriiriye loo adeegsado in laysku xiro labo weer tabineed oo abyoon. Tus. “Cali waa nin wanaagsan oo deeqsi ah”, “Cali oo Xamar joogay ayaan la kulmay, adoo harsan waayay ma laguu soo harsaday?” 2. (nax.) Xiriiriye isku xira laba fal oo isku mar la qabtay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg