oomman
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

1. Cid wax oon hayo ahaansho. 2. Cid wax si aad ah wax ugu baahan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh oomman

olol [m.l] (-llo, m.dh)
1. Holac. 2. Cida geela marka uu oomman yahay ama ubadkiisa waayo.

olol [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-olay, -oshay)
1. Dab holcid. 2. Geel oomman ama ubadkiisa waayey ciyid.

omos [m.l]
Dhul kulul oo aan biyo lahayn; oommane.

oomasoore [m.l]
Dhul oommane ah oo aan dad iyo duunyo midna joogin.

oommanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oomman. ld oommanaansho.

oommanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld oommanaan.

oommane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
1. Meel aan biyo lahayn. 2. O. ah: dhaan aan gaarin biyihii meesha uu ka heli lahaa.

oommanoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oommanow.

oommanow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Nalfey wax oon haayo noqosho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg