oommane
(m.l) (-nayaal, m.l/dh)

1. Meel aan biyo lahayn. 2. O. ah: dhaan aan gaarin biyihii meesha uu ka heli lahaa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh oommane

omos [m.l]
Dhul kulul oo aan biyo lahayn; oommane.

oomasoore [m.l]
Dhul oommane ah oo aan dad iyo duunyo midna joogin.

kharfo [m.dh]
Dhul aan la degganeyn oo oommane ah.

qorfo [m.l]
Dhul oommane ah oo aan cidna joogin. ld qafro, qarfo.

sool [m.l]
Hawd oommane ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg