qaaddi
(m.l)

ld qaalli.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaaddi

qaaddicid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaaddac.

qaaddiro [m.dh]
Caajis, daal iyo hurdo la'aan ka yimaada cunidda qaadka.

qaalli [m.l] (-iyo, m.dh/-iyaal, m.l/dh)
Garsoore diinta Islaamka wax ku xukuma. ld qaaddi.

goojo [m.dh]
Kor u qaaddidda saynta uu kor u qaado dheddig geel oo rimman. ld goojin.

qaad [m.l]
1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. ld jaad¹(1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. ld qaadid: magacyada lammaanan. Tus. “Dulqaadka”.

qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg