qaaddo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iwm inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaaddo

ardiyad [m.dh]
1. Cashuur ay dawladdu ka qaaddo qof leh dhul bannaan ama dhismo. 2. Caddaynta lahaanshaha guryaha;mulkiyad.

bacrin-la'an [m.dh]
(daaw.) Awood la'aan in naagtu uur qaaddo ama ninku wax rimin kari waayo.

bito [m.dh]
Ciid jilicsan, buda ah oo ay dabayshu qaaddo.

boor [m.l]
1. Ciid budo ah oo dabayshu si sahlan u qaaddo; siigo; bus. 2. B. ah: midab dambaska u eg oo ay lo'da iyo dameerahu yeeshaan.

firo [m.dh]
1. Wax jajabay oo habaasoobey oo dabayshu qaaddo; saxar, boor. 2. Nooc ka mid ah ciyaarta turubka oo lagu khammaaro.

macalgad [m.dh] (-do, m.l)
Fandhaal macdan ah oo cuntada lagu cuno, qaaddo. ld macalgo, maclaqad, malcaqad, malgacad, malqacad.

sid [m.l]
(c.nafl.) Muddada ay qof dumar ahi ilmo uurka ku qaaddo, sidku wuxuu socdaa qiyaasta 266 maalmood, laga bilaabo calool galka ilaa ilmuhu dhashaan, ilmaha uurka ku jirana wuxu ku koraa uurka. Inta sidku socdo caadadu way maqantahay, waxaa dhici kara in ay aad u badato cuno cunnidu ama la jeclaado cunitaanka, naasuhu way weynaadaan, qofka dumarka ah waywallaci kartaa.

qaad [m.l]
1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. ld jaad¹(1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. ld qaadid: magacyada lammaanan. Tus. “Dulqaadka”.

qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg