qaadsii
(Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2) (-iiyay, -iisay)

1. Wax la ekeysiin, wax lagu shubi karo ama lagu ridi karo ama la saari karo. 2. Xoog ama tabcid wax ku oggoleysiin. 3. Cudur cid ku ridid. 4. Nafley meel marin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaadsii

daacuun [m.l] (daaw.)
Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.

qaadsiin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaadsii. ld qaadsiis.

qaadsiis [m.l]
ld qaadsiin.

qaaxo [m.dh]
1. Dhiska ka samaysan feeraha iyo lafdhabarta iyo waxa ku guda jira (oogada nafleyda); saab, saabley. 2. Cudur xun oo lays qaadsiiyo oo ku dhaca sida badan sambabada; feero sanbab.

cudurro-faafa [m.dh]
(daaw.) Cudurrada la is qaadsiiyo waxaana cudurrada la isugu gudbin kara: ayadoo la taabto qof buka jirkiis, ayadoo la qaado qalab leh jeermigii cudurka ama ayadoo la neefsado dhibicyo calyo ah oo qufaca ka yimaado iyo neef jeermi sidda.

duray [m.l]
(daaw.) Cudur fiirus keeno oo dunida oo dhan ku faafsan kaas oo keena halamacoodka sanka, cunaha iyo dhuumaha neefta. Cudurka waxa la isku qaadsiiya qufaco iyo hindhisada.

hargab [m.l]
Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo waxaana keena fiirus. Wuxuu ku dhacaa xubnaha neef mareenka.

jabto [m.dh]
Cudur ku dhaca xubnaha dhalmada iyo kaadida: waxaa ka yimaada malax iyo carun, waana lays qaadsiiyaa. ld jabti.

jadeeco [m.dh]
Cudur lays qaadsiiyo oo badanaa carruurta ku dhaca; wuxuu leeyahay qandho kulul iyo qumankoo barara oogadana waxaa ka soo yaaca nabarro iyo finan badan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg