qaan
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)1. Nooc kalluunka ka mid ah. 2. Geela intiisa da'da yar oo aan weli curan ama raridda gaarin. 3. (-aaman, m.l), Meesha dhuuban ee daanka.
qaan
(m.dh)Hanti, dhiig iwm oo cid lagu yeesho.
qaan
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aamay, -aantay; -aami)Is q.: xil is qaadid (qof).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaan ↴
taabbaqaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Qaangaarid. 2. Wax, wax ku ool ah noqosho. qaangaarid
xaajayaqaan [m.l]
Nin waxgaradnimo iyo waayo-aragnimo isku darsaday.
laabtuurle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(jool.) Muuqaal dhuleed qaanso u eg oo ka dhasha isa soo cadaadinta dhagxaanta dhulka hostiisa.
ontoogoni [m.l]
(baay.) Korritaanka noolaha laga bilaabo unug bacrinsan ilaa inta uu qaangaadhayo.
qaambax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
ld qaanbax.
qaambixid [m.dh]
ld qaanbixid.
qaamee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -meysay)
Cid qaan gelin.
qaameysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Qof qaan galay ahaansho.
qaamid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaan³.
qaamow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof qaan galay noqosho.