qaate
(m.l) (-tayaal, m.l/dh)

(kiim.) Atamka ama kooxda atamada ah ee lammaane elektaroonno ah la siiyo marka dabarka elektaroon-deeqe ahi sameysmayo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaate

caadaqaate [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
1. Qof samaanyaha qaata. 2. Qof hunguri xun.

biiriqaate [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
Qof si xishood darro ah u qaata laaluush.

garmaqaate [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
1. G. ah: qof madax adag oo aan gar qaadan. 2. Bud gaaban, xooggan, labada dhinac ka fiiqan, oo wax lagu halgaad.

ishiqaate [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
Qof arrimaha uu la kulmo wixii u dan ah ka yeela.

kulqaate [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
(fiis.) Dariiqo tilmaamaysa nuugidda kulka ee hab ama walax ku jirta falgalid (waxa kale oo lagu sharxi karaa kulka bannaanka uga baxa walax, ama hoos-u-dhaca heerkulka).

tamar-kicin [m.dh]
(fiis.) Tamarta ugu yar ee saxar, molikiyuul, iwm uu hanto ka hor inta aanu falgelin waa tamarta loo baahanyahay si falgal u bilowdo iyada oo aan la tixgelineyn in falgalku yahay kul qaate ama kul bixiye waxaa lagu asteeyaa summadda E.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg