qaawan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

1. Qof aan dhar xirneyn ahaansho. 2. Dhisme, wax aan kor ka deydnayn ahaansho. 3. Hadal aan asturnayn ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaawan

qaawanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaawan. ld qaawanaansho.

qaawanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
qaawanow. ld qaawanaan.

qaawanow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-naaday, -naatay)
Qof qaawan noqosho.

qaawiso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Qof qaawan ka dhigasho.

balaanktoon [m.l]
(c.nafl.) Kan ugu yar dhiska sabbeeya ee geed iyo xayawaan,inta badan laguma arko isha qaawan, oo deggan biyaha badweynada iyo badaha yaryar, oo cunto u ah kalluunka badda iyo abuur kale.

barqorraxeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.fal.) Bar qorraxda dusheeda ah, marmarka qaarkoodna waxa laga arki karaa lakab daruureed khafiif ah ama muraayad madow isha qaawan. Bilowgeedu wuu qarsoonyahay, laakiin waxa la rumaysanyahay inuu ka koobanyahay neefo ku meersan gibilka qorraxda.

dhadhaab-saleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Dhagax adag amase waxyaalaha kale ee dabacsan ee ka hooseeya ciidda dhulka dushiisa. Mararka qaarkood dhagaxaas adag, boqolaal mitiir buu ka hooseeyaa dhulka dushiisa, hase ahaatee inta badan waxaa laga helaa meelo ka gun gaaban. Meelaha janjeerkood u ama tiiradoodu aad u sarrayso, dhadhaabo saleedku waa qaawanyahay oo ma laha ciid daboosha.

dharla' [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-'aa, -'ayd)
Qof qaawan ahaansho. ld dharra

gadawaar [m.l]
Cirku marka uu qaawan yahay oo uusan daruur lahayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg