qaaxo
(m.dh)1. Dhiska ka samaysan feeraha iyo lafdhabarta iyo waxa ku guda jira (oogada nafleyda); saab, saabley. 2. Cudur xun oo lays qaadsiiyo oo ku dhaca sida badan sambabada; feero sanbab.
qaaxo
(m.dh)(c.nafl.) Moqor dheecaan ka buuxo kaas oo sameeya moqorka ugu weyn ee xayawaannada lafdhabarleyda ah iyo kuwa lafdhabarla'da ah badankooda.
qaaxoolaji*
Macnaha ereygan cidii garaneysa fadhlan kasoo jawaaba.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaaxo ↴
qaaxee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-xeeyay, -xaysay)
Nafley qaaxo ku ridid.
urug [m.dh]
Cudur dadka, xoolaha iyo shimbiraha ku dhaca oo sambabada waxyeeleeya oo xummad badan iyo qufac leh; qaaxo; feero.
feer [m.dh] (-ro, m.l)
1. Lafaha dhuudhuuban, xooggan ee ku xeeran dhawraarintana u ah uur ku jirta nafleyda inteeda sare. 2. Hareer; gees, dhinac. 3. (w) Qaaxo.
feero [m.l.w]
eeg feer¹; qaaxo.
qoorgooye [m.l]
(daaw.) Meninjiito. Halaamacoodka xuubabka maskaxda oo u keeno fiirus, ama baktiiriya keeno oof wareen, xabbad ama qaaxo.
qufac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -fici)
1. Cid qufac ka imaansho. 2. Nafley qaaxo qaadid.