qabaal
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Weel xoldhan oo geed jirriddii laga qoro oo xoolaha la waraabinayo biyaha loogu shubo. 2. Weel gudihiisa dadku ku mayrto iyo mid dharka lagu dhax meyro.

qabaal
(m.l) (-llo, m.dh)

(xis.) Nooc ka mid ah toobineed oo leh xoodbeeg u dhexeeya oo iyol (oleli). Tubta bar socota sallax oo wadarta fogaanta ay u jirtaa laba barood oo maguuran ah ay tahay madoorsoome. Labada barood ee maguuraanka waxa la yiraahdaa kulmisyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabaal

dube [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
Xeero qaab qabaal leh oo marka raran lagu shubo, miraha qaarkood lagu dubo sida digirta, meseggada iwm; qaloondub. ld dubaale.

seef-cireed [m.l]
Walxo ku wareega qorraxda, raacana meeris qaabkiisu yahay qabaal. Seef-cireedyada, badankoodu, waxa ay leeyihiin daba dheer oo aad noogu muuqa-ta marka uu qorraxda u soo dhawaado.

suur [m.dh]
1. Muuqaal qurxoon. 2. (-ro, m.l) Qabaal aan ceelka laga qaadin oo xoolaha laggu shubo. 3. (-ro, m.l) Dhagax, qashin iwm oo badar ku dhex jira.

wareeq [m.l] (-gyo, m.dh)
(xis.) Fogaanta ku dul meeran shaxan kasta oo oodan. Waxa kale lagu qeexaa dhererka xood oodan. Xoodkaasoo noqon kara siman sida goobo ama qabaal ama xood googo'an sida geesoole.

xoodbeeg [m.l] (-gmo, m.l)
(xis.) Xoodbeeggu waa fogaanta u dhexeysa xoodka iyo kulmiska oo loo qaybshay fogaanta u dhexeysa xoodka iyo jeedshaha. Nooca toobineed waxa uu ku xiranyahay qiimaha saamiga halbeegga (e). Marka e<1 toobi-needku waa qabaal; marka e=1 toobineedku waa saab iyo marka e>1 toobineedku waa labo saab.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg