qabad
(m.l)

1. Orgi yar oo bilaabay kudidda riyaha. 2. ld qabasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabad

kaadiqabad [m.l]
Cudur dadka iyo xoolahaba ku dhaca oo kaadida ku xira. ld kaadi-qabsasho.

ololi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Dab olol u yeelid. 2. Wax dab qabadsiin.

birqabad [m.l] (-dyo, m.dh)
ld birqaab.

birqabad-dhalis [m.l] (-dyo ..., m.dh)
(daaw.) Alaab birqabatada qaabkeeda leh oo loogu talaggalay in takhaatiirtu wax ku qabato oo ku soo jiiddo. Noocyo kala duwan ayaa jira, midda ugu muhiimsan waa tan lagu dhaliyo ilmaha ayadoo madaxa looga qabanayo laguna soo jiidayo, dhibaatana aan la gaarsiin.

biyaqabad [m.l] (-dyo, m.dh)
ld biyaqabatin.

boroolataariyad [m.dh]
(siyaa.) Dabaqadda shaqaale ee waddan oo qaata mushahar la xiriira wax qabadkooda.

caloolqabad [m.l]
ld caloolqabasho.

cunaqabad [m.l]
ld cunaqabatayn.

dabaqabad [m.l]
ld dabaqabasho.

dabqabad [m.l]
Birqabad.

qab [m.l]
1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.

qab [m.dh] (-bo, m.l)
1. Bir dugaagga lagu dabo; birshabeel. 2. Labo shay isku dhacay dhawaaqooda. 3. Belo lamafilaan ah oo si kedis ah ku dhacda.

qab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax mulki ahaan u haysasho. 2. Naag lahaansho. 3. Fikrad iwm si u aaminid. 4. Jirro, cuqdad iwm qof ku dhicid. 5. Dhar iwm xirnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg