qabadsii
(Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2) (-iiyay, -iisay)

1. Wax, wax kale ku dhejin. 2. Cid wax xafidsiin. 3. Wax, wax kale ku dirid. 4. Cudur isku daarasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabadsii

ololi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Dab olol u yeelid. 2. Wax dab qabadsiin.

gub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Dab ku dhejin, qabadsiin.

horyaale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(nax.) Curiye aan doorsoomin oo hawshiisu tahay in layeele dadban uu qabadsiiyo falka weerta. Tus. “Safiya baa salligaas ku tukatay”.

qabadsiin [m.f.dh]
eeg qabadsii.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg