qabasho
(m.f.dh)

eeg qabo². ld qabad, qabatin² (5).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabasho

taab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax xoog ku qabasho. 2. Wax fur ku adkayn.

caajis [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabaryarayn. ld cajis². cajis

gaado [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-atay, -adatay)
Wax gaadmo ku dilid ama ku qabasho.

laamaddoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Lulmo darteed in yar indho isku qabasho.

tabcee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-ceeyay, -caysay)
Cid tabco ku qabasho.

xaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax xoog u qabasho.

adeeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Ka a.: xafiis, guri makhaayad iwm hawl hoosaad ka qabasho. 2. Ka soo a.: waxyaabo daruuri ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay soo iibin.

arag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-rkay, -ragtay; -rki)
1. Indho muuqaal qabasho. 2. Fiirin. 3. U a.: arrin si gaar ah cid ula muuqasho.

bikaacso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Kala qaadid, kala qabasho (il iwm).

boobsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Hawl si degdeg leh u qabasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg