qabatin
(m.l)

(c.nafl.) Marka laga hadlayo taduwurka, isbeddel kasta oo ku dhaca dhismaha ama shaqada noolaha taas oo ka dhigta mid ku habboon degaankiisa.

qabatin
(m.dh)

1. Xanuun mar mar dadka qabta; eyddin; nabar. 2. Tabta awrku wax u qabto. 3. ld qabatimid. Wax loo barto, la qaayibo. 4. Wax sameyntooda loo bartay. 5. ld qabasho.

qabatin
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1)

(imay, -intay; -imi) Meel nolosheeda u barasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabatin

caag [m.l] (-gag, m.l)
1. Adke loodsame ah, si fudud u gubta oo waxyaabo badan laga sameeyo. 2. (-gag, m.l) Wax kasta oo balaastiig ka sameysan. 3. Meel yara godanoo biyo qabatin leh.

nabar [m.l] (-bro, m.l/-rro, m.dh)
1. Dillaac haragga ama jidhka gaadha dhaawac ku dhacay awgeed; qoon. 2. Raad uu qofka ku reebo dhaawac bogsaday. 3. Kol; mar. 4. Ooddin; aydin; qabatin.

uskag-galeen [m.l]
Jir dad meesha wasakh qabatinka leh.

baldhoole [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Caws dhaadheer, caleemo adag leh oo xooluhu daaqaan raradana laga sameysto oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.

biyadhac [m.l]
1. ld biyadhaceen. (-cyo, m.dh) Qar sare oo biyaha qulqulaya ay ka daataan. 2. (-cyo, m.dh) Meel godan oo biyo qabatin leh oo qar, buur iwm ku hoos taalla. 3. (-cyo, m.dh) Go'aan; duluc; murti. 4. ld biyadhicid.

biyafariisin [m.l] (-nno, m.dh)
Dhul godan oo biyo qabatin leh. ld biyafariisad.

biyaggaleen [m.l] (-nno, m.dh)
Meel godan oo biyo qabatin leh.

biyaqabatin [m.l] (-nno, m.dh)
Meel godan oo biyuhu fariistaan. ld biyaqabad.

caloolmajiir [m.l] (-ro, m.dh)
(daaw.) Xanuun aad ah ee uurkujirtada oo ay ilbidhiqsiyo ama daqiiqado qabatinka u kala dhexeeyaan.

caloolqabasho [m.dh]
Xanuun qabatin ah oo caloosha maroojiya; caloolxanuun. ld caloolqabad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg