qabato
(Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate)

Qalab sida manqaska laba birood oo isweydaar ah ama hal bir oo la isku soo laabay ka samaysan oo waxyaalaha aadka u kulul lagu qabto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabato

kaadishir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Fal iyo asmo cid ku akhriyid si kaadidu u qabato.

organ [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Qayb ka mid ah jidhka noolaha oo u khaas ah, inay qabato hal shaqo ama in ka badan. Tusaale, xayawaanka: dhegaha, indhaha, sambabada iyo kelyaha. Tusaale, dhirta: caleemaha, xididdada iyo ubaxa. Organku wuxuu ka koobanyahay nudo badan oo kala duwan.

qaafo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Waayeelka taliya. 2. Xoolaha intooda waaweyn oo ay ishu qabato uguna waxtar badan. 3. Naag sharafta haween leedahay u dhan tahay.

awoodsii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
Cid karti ay wax ku qabato u yeelid.

birqabad-dhalis [m.l] (-dyo ..., m.dh)
(daaw.) Alaab birqabatada qaabkeeda leh oo loogu talaggalay in takhaatiirtu wax ku qabato oo ku soo jiiddo. Noocyo kala duwan ayaa jira, midda ugu muhiimsan waa tan lagu dhaliyo ilmaha ayadoo madaxa looga qabanayo laguna soo jiidayo, dhibaatana aan la gaarsiin.

carsaanyo [m.dh]
Naflay badda ku nool oo leh sideed lugood iyo labo birqaab oo ay wax ku qabato, hor iyo dibba waa u oroddaa; suulogoys; suulalgoys. ld carcarsaanyo.

cunaqabato [m.dh]
Diidmada loo diido cid waxay u baahnayd (sida dhaqaalaha).

haraaryo [m.dh]
Neef-tuur xooluhu samee-yaan wakhtiga kulaylaha markay qooraxdu qabato.

hiraahir [m.l]
Neeftuur xooluhu sameeyaan marka ay qorrax kulul qabato. ld haraahir¹, haraanhir¹, hiraanhir¹.

ilmaqabato [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
Wax aad u yar oo aan indhaha lagu arki karin in weyneysa loo adeegsado mooyee.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg