qabee
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-beeyay, -beysay)

ld qubee.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabee

maalqabeen [m.l] (-nno, m.dh)
Qof hanti badan leh.

maalqabeennimo [m.dh]
Qof maalqabeen ah ahaansho.

dibbir [m.l]
1. Dibbiro calool. 2. Qof maal qabeen ah.

ladqabee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-beeyay, -baysay)
1. (f.g) Qof caraysan maslixid. 2. (f.mg) Kala l.: laba qof ama ka badan oo dagaashan maslaxo dhex dhigid.

qubee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-beeyay, -beysay)
U q.: cid biyo ugu mayrid. ld qabee.

xilqabeen [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Qof mas'uul ah oo aan ku dhiirran karin naftiisa inuu ka fekero.

qab [m.l]
1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.

qab [m.dh] (-bo, m.l)
1. Bir dugaagga lagu dabo; birshabeel. 2. Labo shay isku dhacay dhawaaqooda. 3. Belo lamafilaan ah oo si kedis ah ku dhacda.

qab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax mulki ahaan u haysasho. 2. Naag lahaansho. 3. Fikrad iwm si u aaminid. 4. Jirro, cuqdad iwm qof ku dhicid. 5. Dhar iwm xirnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg