qabid
(m.f.dh)

eeg qab³.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabid

caafimaadqabid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caafimaadqab². ld caafimaadqab¹. caafimaadqab

aammin [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Cid kalsooni ku qabid. 2. Ku aa.: cid si kalsooni leh wax ugu dhiibasho.

afqabid [m.f.dh]
eeg afqab.

bedqabid [m.f.dh]
eeg bedqab. ld bedqabis.

ciilcun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nay, -ntay)
Muddo badan ciil qabid.

ciilqabid [m.f.dh]
eeg ciilqab². ld ciilqab¹ (2).

cuquulee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Wax in la helo rajo ka qabid.

faay [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-yay, -yday)
Caafimaad qabid.

fayaqabid [m.f.dh]
eeg fayaqab². ld fayaqab¹ (2).

hilow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Xiiso qof ama meel u qabid.

qab [m.l]
1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.

qab [m.dh] (-bo, m.l)
1. Bir dugaagga lagu dabo; birshabeel. 2. Labo shay isku dhacay dhawaaqooda. 3. Belo lamafilaan ah oo si kedis ah ku dhacda.

qab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax mulki ahaan u haysasho. 2. Naag lahaansho. 3. Fikrad iwm si u aaminid. 4. Jirro, cuqdad iwm qof ku dhicid. 5. Dhar iwm xirnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg