qabiil
(m.l) (-llo, m.dh/qabaa'il, m.l)

Dad dhalasho wada sheegta. ld qabiilo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabiil

laandheer [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-raa, -rayd)
L. ah: qabiil tira badan ama gobnimo ku faano.

laandheere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Qof qabiil tira badan ka dhashay oo gobnimo ku faano. 2. Qabiil tiro badan.

nabaddoon [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qof loo xilsaaray in uu cido colaadi dhextaal heshiisiyo. 2. Qof qabiil madax u ah; caaqil; ugaas.

duud [m.dh]
1. Dhir badan oo waaweyn oo xoonsan; toon; kayn. 2. Qof odayga uu ku abtirsanayo aan wax badan ka tirsan. 3. Reer; qabiil.

jibsin [m.l] (-nno, m.dh)
Farac yar oo qabiil ka soo jeeda; laf; jilib.

marro [m.l] (-ooyin, m.l)
1. Jilib qabiilo. 2. ld marre.

qabiili [m.l] (-iyo/-iyiin, m.dh)
1. Qof qabyaaladda aad u daneeya oo ku dhaqma. 2. Qof qabiil tiro badan ka dhashay.

qabiilo [m.dh]
ld qabiil.

qabyaalad [m.dh]
Nidaam siyaasadeed oo ku salaysan dhaqanka qabiilka; kala qaybinta ummad loo kala qaybiyo qoloqolo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg