qabil
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Harag aan megdeysnayn. 2. Har, derbaal iwm adag oo laga galo roobka, qorraxda, dhaxanta iwm.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabil

dabaggal [m.l]
1. Baaris qoto dheer oo lagu sameeyo wax qarsoon oo la doonayo in la hubsado. 2. ld dabaggelid. Cidaan qaabilsan baaridda arrin la tuhunsanyahay in ay dhacday ama dhici doonta. 3. Ciidanka nabadsugidda qayb ka mid ah oo qabilsan la socoshada arrimaha dibloomaaysiyiinta.

qab [m.l]
1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.

qab [m.dh] (-bo, m.l)
1. Bir dugaagga lagu dabo; birshabeel. 2. Labo shay isku dhacay dhawaaqooda. 3. Belo lamafilaan ah oo si kedis ah ku dhacda.

qab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax mulki ahaan u haysasho. 2. Naag lahaansho. 3. Fikrad iwm si u aaminid. 4. Jirro, cuqdad iwm qof ku dhicid. 5. Dhar iwm xirnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg