qabo
(m.dh)

1. (bot.) Geed leh caano, qodxo iyo sooh wanaagsan oo weelal iyo alaabo kaleba laga sameysto. 2. Weelasha caanaha lagu shubto inta aan weli la xoolayn. 3. Weel qabo ka samaysan.

qabo
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-btay, -batay)

1. (f.g) Wax gacan ku dhigid. 2. (f.g) Dhul, dad iwm hub ku hanasho. 3. (f.g) Cid fal xun ku kici lahayd ka celin. 4. (f.g) Shaqo fulin. 5. (f.g) Meel aadid. 6. (f.mg) Is q.: arrin iwm oo lagu kici lahaa ka harid. 7. (f.mg) Laba qof ama ka badan iska hor imaasho. 8. (f.mg) Is q.: laf jabtay xiriirsamid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabo

aagga-qabow [m.l] (-gag-qabow, m.l)
(jool.)Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.

eeddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Haweeneyda aabaha la dhalatay. 2. Haweeneyda aabuhu qabo oo aan hooyada ahayn; aayo. 3. U.j: eeddoy! 4. U.j: wiilka aan eeddada u ahayow!; gabadha aan eeddada u ahayey!

oon [m.l]
Baahi biyo la cabbo loo qabo; harraad.

oori [m.dh] (-iyo, m.l)
Haweeney la qabo; afo.

uumibiyood [m.l]
Hoore la kululeeyey qiiq ka baxay oo qabow taabtay awgiis biyo isu beddeley.

xaas [m.l] (-sas, m.l)
1. Oori, afo. 2. (-sas, m.l) Carruurta iyo haweeney la qabo. 3. X. ah: wax tabardaran; maato. 4. X. ah: qof carruur badan leh oo hanti yar.

xaasaanqabow [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Nafley aan aad caato u ahayn.

yal [m.l]
Dabayl qabow oo roobku keeno.

yalanyalxo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dabayl qabow oo roobku markuu da'o ka dib timaada. ld yalalaxo.

aamminsanow [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-naaday, -naatay)
1. Qof, wax cid aamminka ku qabo noqosho. 2. Qof, wax rumaysan jiritaanka Eebbe iyo diinta noqosho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg