qaboobe
(m.l)

Waqtiga hawadu aad u qabowdo meelaha qaarkoodna uu baraf ka dhaco.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaboobe

dhadhaab-shileed-hoose [m.l] (-dyo ..., m.dh)
(jool.) Dhadhaabo shiileed oo ku qaboobey (adkaaday) dhul aad u hooseeya, halkaas oo qaboobiddu gaabiso, macdanaha kala duwan ay waqti qaadato wirqeysigooda.

harqaboobe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
Galab ama subax marka qorraxdu gaabantahay.

meere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Xiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku wareega oo iftiinka ka qaata midkood; meereyaashu (sayaariin) waa siddeed. Dusaa, (cuddaar), Waxaraxir ama Xiddigta Waabberi (sahra), Dhulkeenna, Farraarre (mariikh), Cirjeex ama Cirjiir (mushtar), Raage (saxal), Uraano, Netuun. Buluuto ama Buluto 2006 ayaa laga saaray Meerayaasha rasmiga ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg