qaboobid
(m.f.dh)

eeg qabow².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaboobid

barafow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday)
Baraf noqosho, aad u qaboobid.

dhadhaab-shileed-hoose [m.l] (-dyo ..., m.dh)
(jool.) Dhadhaabo shiileed oo ku qaboobey (adkaaday) dhul aad u hooseeya, halkaas oo qaboobiddu gaabiso, macdanaha kala duwan ay waqti qaadato wirqeysigooda.

hogagoo [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-ooyay, -ooysay)
Xoolo jilaal soo maray naq-horaad ku qaboobid.

kamiinjebi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Neef ooman biyo ku qaboobid.

xarfo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-faday, -fatay)
Hoore dabayl ku qaboobid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg