qabooji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Wax, wax qabow ah ka dhigid. 2. Wax xasilin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabooji

babbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Si dab loo ololiyo ama wax kulul loo qaboojiyo, hawada ku xeeran babbis ku dhaqdhaqaajin.

dhidid [m.l]
(c.nafl.) Dareere qashin ah, oo ka kooban milan biyeysan oo soodhiyam koloraydh, yuuriya yar iyo walxo kale. shaqadiisu waxaa weeye qaboojinta jidhka iyo joogteynta heer kulka naasleyda.

firijideer [m.l] (-rro, m.dh)
Qaboojiye. ld firijiteer.

galax [m.l]
1. Caano dhay ah oo la qaboojiyey. 2. ld kalax.

jalaato [m.dh]
Waxyaabo macmacaan oo laysku daray oo inta la qaboojiyo markay fariistaan la muudmuudsado ama la leefleefo.

marawaxadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax babbin. 2. Marwaxad wax ku qaboojin. ld marwaxadi.

qaboojin [m.f.dh]
eeg qabooji.

qaboojisasho [m.f.dh]
ld qaboojiso.

qaboojiso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Wax, wax qabow ka dhigasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg