qaboojiye
(m.l) (-yayaal, m.l/dh)

Makiinad leh qol magudbiye hawo oo lagu keediyo alaabooyinka, cunnada iyo cabbitaanka si aanay u xumaan ama qabow u ahaadaan; tallaajad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaboojiye

firijideer [m.l] (-rro, m.dh)
Qaboojiye. ld firijiteer.

galax [m.l]
1. Caano dhay ah oo la qaboojiyey. 2. ld kalax.

qabooji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax, wax qabow ah ka dhigid. 2. Wax xasilin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg