qabow
(m.l)

1. Kuleyl la'aan. 2. Q. ah: wax aan kululeyn.

qabow
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-oobay, -owday; -oobi)

1. Wax heerkulkiisu hooseeyo noqosho. 2. Qof xasilan noqosho.

qabow
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-boobaa, -boobayd)

1. Wax heerkulkiisu hooseeyo ahaansho. 2. Qof xasilan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabow

aagga-qabow [m.l] (-gag-qabow, m.l)
(jool.)Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.

uumibiyood [m.l]
Hoore la kululeeyey qiiq ka baxay oo qabow taabtay awgiis biyo isu beddeley.

xaasaanqabow [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Nafley aan aad caato u ahayn.

yal [m.l]
Dabayl qabow oo roobku keeno.

yalanyalxo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dabayl qabow oo roobku markuu da'o ka dib timaada. ld yalalaxo.

baarid [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
B. ah: Wax aad u qabow.

baraf [m.l] (-fyo, m.dh)
1. Biyo, qabow awgiis adke isku beddeley. 2. B. ah: wax aad u qabow.

barqaqabow [m.l]
Toddobada subaxnimo ilaa sagaalka ama subaxnimada inta qorraxdu ayan kululaan.

basalt [m.dh]
(jool.) Dhadhaabo midabkeedu madow yahay, wiriqaheeduna yaryaryihiin, ka abuurma ciid raran ah oo ka soo gufaacda burkaanta oo qabowday ee adkaatay.

cadar [m.l]
1. Wakhti daruuro badan oo aan da'ayn ay isku gudbaan fallaaraha iyo kulaylka qorraxda. 2. Xilli qabow oo aan roob da'ayn. 3. ld catar. Barafuun; catar.

qab [m.l]
1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.

qab [m.dh] (-bo, m.l)
1. Bir dugaagga lagu dabo; birshabeel. 2. Labo shay isku dhacay dhawaaqooda. 3. Belo lamafilaan ah oo si kedis ah ku dhacda.

qab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax mulki ahaan u haysasho. 2. Naag lahaansho. 3. Fikrad iwm si u aaminid. 4. Jirro, cuqdad iwm qof ku dhicid. 5. Dhar iwm xirnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg