qabsad
(m.l)

ld qabsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabsad

daab [m.l] (-bab, m.l)
Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado.

daab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.

laalacshow [m.l]
Meel sare inta gacmaha lagu qabsado oo la iska soo laalaadiyo (ciyaar jimicsi ku dhisan). ld laalacshoobid, laalacshoon¹.

laalacshow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Ciyaar jimicsi ku dhisan, meel sare inta gacmaha lagu qabsado iska soo laalaadin. ld laalacshoon².

laambad [m.dh] (-do, m.l)
1. Qasac yar oo af dheer iyo dheg la qabsado leh oo la ifsado. 2. Nal.

baaldi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Weel caag ama bir ka samaysan oo af ballaaran iyo siddo la qabsado leh oo biyaha lagu shubto ama lagu qaato. 2. Weel macdan ka samaysan, abbur iyo siddo la qabsado leh oo caanaha lagu shubto; jeeg.

baangad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab gadaal ku leh daab la qabsado oo ka samaysan bir dheer, xalleefsan, xoodan, hal dhinac wax ku goysa oo geed nugulka iwm lagu jaro.

badiil [m.l] (-llo, m.dh)
Qalab loo adeegsado carro qaadidda oo ka kooban bir yar ballaaran, godan iyo daab la qabsado. ld badeel.

birdaawe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
Weel fidsan oo bir ah, leh dheg la qabsado oo canjeerada iwm. lagu dubo; birlaxooxeed. ld birdaawo, birtaawe, birtaawo.

bire [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Weel qori ka samaysan leh af ballaaran sidde la qabsado oo geela lagu maalo, gaawe, toobke. ld bure.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg