qabsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

1. Hawl iwm wax la qabtay ahaansho. 2. Ku q.: wax meel ku dhegsan ahaansho. 3. Tuug, dugaag iwm wax casiimo lagu akhriyey oo aan wax bi'in karin ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qabsan

aalad [m.d] (-do, m.dh)
1. Qalab mashiin leh oo wax lagu qabsan karo. Tus. “Kombiyuutarku waa ±a. cusub oo cilmibaarista fududaysay”. 2. Qalab lagu dagaallamo; hub. 3. Qalabka dumarku ay qaataan ee isku qurxiyaan mid ka mid ah.

naafo [m.dh]
Nafley addimadeeda midkood ama qaarkood wax ka qaba oo aan wax ku qabsan karin.

alaal [m.l]
Qof si sahlan ula qabsan karo dad iyo dal uusan aqoon; qof galgal badan oo dhiiran.

baansiin [m.l]
Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qeybaha ka soo baxa middood oo aan midab lahayn dabkana qabsan og oo loo isticmaalo shidaal ahaan; batrool. ld baansiino, baasiin, baasiino, bansiin, bensiin.

bidix [m.dh]
Qof wejigiisu waqooyi ku aaddan yahay dhankiisa ku toosan galbeed ee ay ku taal gacanta aan aad wax loogu qabsan.

biyo-goboleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(siyaa.) Jiid-badeed ku qabsan xeebta oo loo aqoonsanyahay dhul ay leedahay ummadda xeebta deggani; maritaanka jiidda ee si nabad ah caadi ayaa loogu oggolyahay gaadiidbadeedka ummadaha oo dhan.

gabow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Muddo badan noolaansho. 2. Da'weyn oo aan wax la qabsan karin gaarid.

holce [m.l] (-cayaal, m.l/dh)
Waxyaabo si sahlan dabka u qabsan og, sida aalkolada, baansiinka iwm.

kulaalayaal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(juqr.) Gobolka ku yaal inta u dhexaysa kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed oo marmarka qaarkood loo yaqaan jiidda kulul. Jiidaas waxay qorraxdu toos isu dul taagtaa laba jeer sannadkii, iftiinka qorraxduna uguna dhaco jeenjeedh, cimilo ooreededuna waa kulaal. Eraygu wuxuu inta badan xambaarsanyahay meelo ku qabsan loolka sare, tusaale, ugu fogaan ilaa 30° w iyo k, halkaasoo xaaladda cimilada kulaalayda, tusaale, ahaan, laga helo.

meyd [m.l] (-dad, m.l)
1. Qof naftii ka dhacday oo aan weli la xabaalin. 2. M. ah: qof karti yar oo aan wax qabsan karin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg